Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday xubnaha Madasha Hoggaanka Qaran inay awooddooda iyo saameyntooda adeegsadaan si ay uga hortagaan falalka ay beeshaa calaamka ku sheegtay ku takrifalka iyo caddaalad darrada hareeyay hannaanka doorashada.
"Falalkan waxaa ka mid ah kadeedidda iyo cagajugleynta loo geysto musharaxiinta, ku feegaaridda liisaska ergada iyo musharaxiinta, iyo adeegsiga ciidammada amniga iyo hantida kale ee dowladda si musharax baarlamaan loogu roonaado loogana hormariyo mid kale". ayaa lagu yiri war qoraala h oo ay si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain.
Wararka qaar ayaa sheegaya in codadka ergada la iibsanayo halka qaar ka mid ah ergadana loo diiday inay ka codeeyaan meelaha qaar.
Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa sheegay inuu soo gaaray cabashooyin la xiirara hannaanka doorashooyinka.
Doorashada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ayaa ka socota shan magaalo
No comments:
Post a Comment