Dawladda Australia ayaa sheegtay bishii May in uu geeriyooday Neil Prakash, oo ahaa nin sare oo dadka u qora kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, waxay intaas ku dareen in uu ku dhintay weerar dhanka cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka.
Wakhtigaas iyada ah xeer ilaaliyaha guud ee Australia ayaa sheegay in Neil uu ku geeriyooday magaalada Mosul.
Laakiin wargeyska New York Times oo soo xiganaya saraakiil sare oo Maraykan ah ayaase hadda ku waramaya in Prakash uu wali nool yahay.
Warbaahinta Australian Broadcasting Corporation-na waxay baahisay in Prakash uu isagu isu soo dhiibay xukuumadda Turkiga todobaadyo ka hor.
Michael Keenan, oo ah wasiir Ra'iisul wasaaraha Australia ka caawiya ladagaalanka argagixisada ayaa sheegay in uusan ka hadlaynin arrimo sirdoon la xiriira.
No comments:
Post a Comment