Guddi Qaramada Midoobay ayaa sheegay in isir-sifeyn ay ka socoto qaybo badan oo ka tirsan dalka Suudaanta Koofureed, loona baahan in beesha caalamku ay degdeg wax uga qabato si looga hortago inuu dhaco xasuuq la mid ah kii ka dhacay dalka Rwanda 1994.
Booqasho ay ku tageen Suudaanta Koofureed, guddigu waxay xuseen dad gaajo lagu dilay, tuulooyin la gubay iyo hadallo sheegaya meydad laga helayo waddooyinka waaweyn. Madaxweyne Salva Kiir waxaa uu si xoog leh u beeniyay in isir-sifeyn ay ka socoto dalkaas.
Madaxa guddiga Qaramada Midoobay (Yasmin Sooka) waxay sheegtay in beesha caalamka looga baahan yahay inay si dhaqso ah uga hortagto si aanay u soo noqon wax la mid ah xasuuqii Rwanda.
Dalkaas waxaa la degay dagaal sokeeye tan iyo sanadkii 2013, labo sano kaddib markii uu madaxbannaanidiisa ka qaatay Sudan.
ku xidhnow
No comments:
Post a Comment