Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa su'aal galiyay in dalka Maraykanku uu sii wadi doono siyaasaddiisa ku aadan in Shiinuhu uu hal dal yahay, laakiin warbaahinta dawladda ee Shiinaha ayaa arrintaas aad ooga carootay.
Siyaasadaasi waxay tahay in Shiinuhu uu calaaqaad rasmi ah la leeyahay Shiinaha badalkii uu la yeelan lahaa jasiiradda Taiwan oo Shiinuhu uu u arko gobol ka tirsan.
Nidaamkaas ayaana wakhti dheer muhiim u ahaa calaaqaadka Shiinaha iyo Maraykanka.
Laakiin Trump ayaa sheegay in aysan u muuqanin sabab ay arrintan u sii socoto iyada oo aan Beijing laga haynin wax tanaasul ah.
Hadalkiisaas ayaa horseedat jawaab caro leh oo laga baahiyay warbaahinta qaranka Shiinaha.
No comments:
Post a Comment