Qaar ka mid ah militariga Turkiga ee ku sugnaa xarunta NATO ee dalka Jarmalka ayaa megengelyo weydiistay dalkaasi.
Askartan oo ku sugnaa saldhig ku yaalla dhanka Koofur-Galbeed ee Jarmalka lama sheegin tiradooda.
Turkiga ayaa xiray kumannaan ka mid ahaa shaqaalaha dowladda ka dib markii uu dhacay afgembigii fashilmay bishii July.
Xiriirka Jarmalka iyo Turkiga ayaa sii xumaanayay tan iyo markii uu dhacay isku deyga afgembigaasi.
Maamulka Berlin wuxuu walaac ka muujiyay xarig wadareedka ay la kulmayaan dadka looga shakiyo inay afgembigaasi ku lug lahaayeen.
No comments:
Post a Comment