zeeteeye.blogspot.com Xisbiga talada dalka haye ee KULMIYE ayaa markii ugu horreysay ka haddlay khilaaf la sheegay in uu ka dhex-qarxay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Xogahayaha guud ee Xisbiga KULMIYE oo war-baahinta manta kula haddla huteelka maan-soor ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aanu jirin wax khilaf ah oo u dhaxeeya muuse biixi iyo Saylici,waxaanu ku bilaabay haddalkiisa sidan”Arintaa haddii aan kaaga waramo wax-ba kama jiraan,waa arin been ah,waa arin media ah iyo soshiyaal media lagu faafiyey si qayri masuul-nimo ahna ay ubaxday,wax-ba kama jiraan” Ayuu yidhi Xasan Siciid.
Xasan Siciid oo haddalkiisa sii wata “Guddoomiyuhu waa guddoomiyihii Xisbiga waana musharaxii Madaxweynaha ee Xisbiga ,Madaxweyne ku-xigeenkuna , waa madaxweyne ku-xigeenkii,waana musharaxii Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga ,arinkaas waxba kama jiraa,”Xasan Siciid
Gebogebadii Xoghaye Xasan Siciid ayaa haddalkiisa ku soo afmeeray”Markii uu dhaawacmay ee uu daawucu gaadhay, toos-baa waxa loogula shaqaynayey gurigiisa, guddoomiyaha iyo hoggaanka xsibigu shir kasta oo la gelayo isagoo sariirta jiifa ayaa halkaasi loogu gaynayey oo lagula gelayey,markii la dhoofinayey saddexdii habeenimo ninka kaxeeyey ee qaaday ee dayuurada hoos-geeyey ilaa iyo uu dayuurada saaray aan ka imani waa guddoomiyaha xisbiga, saddexdii habeenimo weeye hadda iyadoo la hurdo ayuu gaadhigii ku qaaday dayuuradii ku geeyey ku dhoofiyey ,arinkaasi wax allale wax ka jiraa habayaratee ma jiraan”Ayuu yidhi Xasan Siciid
No comments:
Post a Comment